NEWS
Dr Cali oo Muxaadaro u jeediyay arday
 
 

 

 

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Madax jaamcada Muqdisho Dr Cali Sheikh Axmed Abuubakar u qabtay Muxaadaro  ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Suudan,  kulankan ayaa waxa kasoo qayb gal boqaal ardayda wax kabarat jamacadaha kala duwan ee dalka Suudan  iyo weliba xubno katirsan jaaliyada Soomalida, iyo ganacsato. Kulanka oo ka dhacay hoolka jaamcada Africa ayaa Waxa soo qaban qaabiyey urur weynaha ardayda soomaliyeed ee Suudan

Kalimadii soo dhaweynta oo uu soo jediyey madax arimaha dibada ee ururka mr Cali Mahdi kadib waxa maqaal ka hadlaya dhibaatda umadda soomaliyeed iyo meesha ay mareyso oo aad loogu bogay soo jeediyey mr Liiban Cabdi Cali oo ahaa xidhiidhiyihii kulankan, intaaskadibna waxa si toosa sheikh Cali Axmed u guda galay Muxaadaadiisii

Dr Cali Sheikh Axmed waxa uu kaga hadlay muxaadaradiisa qayba kamid ah waxyaalaha asaaska u ah horumarka iyo jiritaanka umaddaha, waxana uu ugu horey siiyey in umaddu ku adagtahay waxa ay aamin santahay iyo caqiidadeeda,   waxana uu tilmaamy in mabaadi'da oo la aaminaa ay u baahan tahay in loo shaqeeyo laguna adkaado, waxan uu ku tilmaamy cilmiga inuu yahay furaha asaaska u ah horumarkasta, ardaydana waxa uu ku baraarujiyey sida ay muhiim u tahay waqtigan inay ku adkaadaan mabaadi'da ay amreyso Diintooodfa Islaamka,

Sheikh Cali waxa uu aad u tilaamy in sababta burburka weyn u keenay umada Soomaliya ay tahay cilmiyaraan, waxana uu yiri " waxa ugu weyn eee burburiyey dowladeenii waa jahli saameeyey dhamaan qaybeheedii ay ka koobneyd".

Maxamed Siciid Faarx/Khartoum

Maxamed480@hotmail.com

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale