NEWS
Shalay Maxkamadihii mantana Ahlusuna
 
 

 

 

                               

Runtii xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay noqotay mid si loo saadaaliyo ay dhib badantahay, waxayna mar kasta yeelata ama la soo baxdaa wajiyo cusub oo aan horey loo aqoon!

Tan iyo markii la riday xukunkii kaligi-taliska ahaa ee Siyaad Bare, dalka waxuu galay qas siyaasadeed iyo jiho wareer ka dhashay loolankii ay qabaa’ilka iyo kooxahoodii hubeysnaa u galeen hanshada xukunka dalka iyo guul-daradii taas ka timid ee keentay inay suurta-galiweydoo dib dhis lagu sameeyo dawlad qaran.

Xaaladdaas dalka uma horseeday, oo kaliya, inay geeriyoodeen amd ay dhaawacmeen dad aad u badan, qaar kalena ay dalka uga hayaameen colaadda iyo burburkii dhacay. Hayeeshee, waxay abuurtay kalsooni xumo iyo kala aamin bax ku baahada bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa soo baxay oo dalka la haray kooxo hubeysan oo ka amar qaata rag u dhaqma Maafiyada oo kale, isla markaana doonaya in lagu tilmaamo inay yihiin ‘SIYAASIYIIN’ iyo madax ururu siyaasadeed. Kuwaas oo, ayaan daro, looga yeero jiray shirarka loo qabto in Soomaalida lagu heshiisiyo.

Taas ayaa ka dhigtay in bulshada Soomaaliyeed kala furfurato una kala baxado qoloqol iyo inuu reer kastaba u noqdo halkii uu dagaan ama, asal ahaan, uu kasoo jeeday

Waxaan argnay in dalka, JOGORAAFI ahaan, ay soo baxeen maamulo sheeganaya dawlad goboleedyo ku salaysan qabiil, islamarkaasna aan wadan wax AJEENDO wadaniyadeed ah oo horseeda soo celinta kalsoonida iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed, iyadoo qaar kalena ay sheeganayaan inay ka go’een ama ka bexeen Midowga Qaranka Soomaaliyeed

Waxaa murug iyo mushkilo joogto ah noqotay xaaladda ay yeelatay magaalo-madaxa dalka Mogdishow, oo ilaa iyo markii ay dhacday dawladii Soomaaliyeed noqotay meel horjoogsata ama laga diido wax kasta oo dadaal ah ee ku wajahan heshiis, nabad iyo dib u dhis dowladnimo Soomaaliyedd.

Waxaa laga warqabaa muddo ka badan 16 sano inay caasmaddu ahayd meel ay ka taliyaan rag aan marnaba u naxaariisan shacbiga darxumeysan ama aan ka qiiroon burburka iyo quusta ka taagan guud ahaan dalka, si gaar ahna u saameyda dadka ku nool magaalada Xamar

Ka dib mudadaas dheer oo ay kooxahaas iyo hogaamiyaashoodu ay dhibaato kasta u geysteen dadweynaha masaakiinta ah, ayaa waxaa soo baxay xoogaggii Maxakiimta Islaamiga. Waxaay si degdeg ah ugu xoogeysteyn magaalada Xamar iyagoo ugu danbeyntii dagaalo culus ka dib baabi’yay xarumihii hogaamiye kooxeeyada, neecaaw nabad iyo rajo nololeedna usoo celiyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Sababihii keenay soo bixitaanka Maxaakintii Islaamka iyo sidii ay si degdeg ah isgu badaleen xoog siyaasadeed waa arrin aanan halkan uga hadlayn, hayeeshee waxay u noqotay astaan, ‘phenomenon sida lama filaanka ah oo xaaladda siyaasadeed ay dalka ka jira ay dhaqso isgu badali karaan!

Ururkii Midowga Maxaakamdah Islaamiga waxuu isugu jiray rag, xagga Fakirka Islaamiga, aad ugu kala duwan; qaarkood waxay rumeysnayeen in dadka Islaamiyiintaa, oo kaliya, ay u gaar noqdaan hogaanka dalka, lana dhiso dowlad si buuxda u dhaqan galisa dhamaan xududka Shareecada Islaamka.

Qaar kalena waxay ku qanacsanaayeen in xalka Islaamku uusan ka dheereyn bulshada Soomaalida, kuna koobnaado sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada uu ku jiro iyadoo la kaashanayo wax garadka iyo qaybaha bulshada ee kala duwan. Taas macnaheedu waxa uu yahay in laga mid noqdo dowlad kasta ee dalku yeesho, iyadoo la tixgalinayo dhibaatada dalka ka jirta iyo duruufaha siyaasadeed ee caalamku ku suganyahay.

Haddii uu guul ku dhamaanlahaa wada hadalkii u dhexeeyay Midowgii Maxaakimta Islaamiga iyo Dowladdii KMG ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ee sanadkii 2006 lagu qabta Khartuum -Sudaan, waxaan shaki ku jirin in sida ay maanta xaalku yahay, oo ah Maxaakimtii oo seddax qaybood u kale baxay; qayb ka mid noqota Dowladda iyo uruka la baxay Xisbul al-Islaam iyo kooxda seddaxeed ee al-Shabaab. Kuwaas oo, sida aan qabo yeelanlahaa isla qaabkaas ay maanta u kala qeybsanyihiin ama mid aad uga xun!

Marna ragga maanta hogaanka u ah Xisbul al-Islaam iyo Shabaabka ma aysan ogolaadeen inay wax la qeybsadaan shacbiga Soomaliyeed iyo cid kasta oo iyaga, Islaam ahaan, ka faker duwan.

Runtii, Xisbul al-Islaam iyo al-Shabaab waxay maanta taaganyihiin halkii ay shalay joogeyn kooxihii hubeysnaa iyo hogaamiyaashoodii loo yaqiin QABQABLAYAASHA DAGAALKA!

Dhinaca kale, waxaa masraxa Siyaasadda dalka si lama filaan ah ugu soo biiray ururka hubeysan ee AHLU SUNNAH WAL-JAMAAC oo la ogsoonahay in duruuf la mid ah tii soo saartay Maxaakimtii Islaamka ay iyana ku kaliftay inay hubka qaataan!

Hayeeshee, waxay dadweynuhu ka walwal qabaan oo ay is weydiiyaan haddii ay Dowladdan KMG iyo ururka Ahlu Sunna wal-Jaamaac, oo haatan ku qasban hal saf inay noqdaan, bal haddii ay ka adkaan karaan ururadan mawqifkoodu khalafsanyahay ee Shabaab iyo Xisbul al-Islaami

Haddii aan si kale u iraahdo, ma laga yaabaa in ururka Ahlu Sunnah wal-Jamaac ee ka kooban dariiqooyinka suufiyada ee iyagu, diin ahaan, saldhiga u ah bulshada Soomaaliyeed inay dalka ka badbaadiyaan dhibaatada sii kordhaysa iyo colaadda ay hurinayaan ururada Xisbul al-Islaam iyo Shabaabka. Ama ma waxay kusoo bixidoonaan, iyaguna, qaar kooxo u qeybsama oo dadka iyo dalka ku kordhiya xaaladda murugsan ee raagtay.  Waxaa la ogsoonahay in dalka uu naafeeyay dagaal sokey oo qabyaalad ku salaysan uusan manaba ka bixi Karin dagaal kale oo diin ku salaysan, shakina uusan ku jirin inuu wax badan ka xumaan doono waxii horay dhibaato lasoo mary.

Allahayow sida roon

Qore Xassan Xayle

 

Igla soo xiriir: hassanhaile@hotmail.com

 

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale