Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka unkantay isku darki 1 Luulyo 1960 labadii Baarlamaan ee 33 xildhibaan Soomaaliland iyo midkii Soomaaliya 90 xildhibaan ee Ingiriska iyo talyaaniga kala gumeysan jireen,si hadafkaas lagu meel mariyo waxaa la isku raacay 20 kii Jun 1961 in ummadda afti ku oggolaato tastuur mideynaayo Soomaaliland iyo Soomaaliya,oggolaanshihii tastuurka waxaa ka dhalatay janhuuriyad mideysan oo leh calan u gaar ah ayna u dhan yihiin sharuudaha qaran iyo dowlad nimo:
1.Barlamaan qaran oo ka kooban xildhibaanno ku yimaado doorasho (shan sano )oo qarsoodi madax bannaan huwan lehna awoodda sharci dejin, meel marinta miisaaniyadda dowladda, dib u eegidda iyo oggolaanshaha heshiisyada heer Qaran iyo wixii la mid ah.
2.Madaxweynaha Janhuuriyadda Soomaaliya waa astaanta midnimada,waxa uu jaangooya howsha barlamaanka,midda dowladda iyo tan sharciga waxaa doorto baarlamaanka muddadiisana waa shan sano,waa taliyaha ciidamada iyo madaxa guddiga sare ee maxkamadaha, xukumadaciqaabta ayuu cafis ama beddelid ka fidin kara, waa soo dhaweyaha safiiradda waddamada dibadda ee Soomaaliya joogo.
3.Dowladda,waxay ka kooban tahay wasiirka koowaad,wasiirada iyo ku xigeenada waxay masuul ka tahay hab wanaag socodka howlaha dowladda, aruurinta canshuuraha IWLamid ah.
4.Maxkamadaha waa awoodda u taagan qaadidda dacwooyinka,waa hayd madax bannaan waxay ledaha darajooyin is hoos yimaado iyo xeer ilaaliye guud ee qaran waxaana looga taliyaa maxkamadda sare.
Intaan haddii lagu dhaafo berisamaadkii waddanka soo maray waxaa soo kordhay jahawareer iyo sahan xumo oo marba marka xigto ayaa loo gudbayay marxalad tii hore aad uga xun, fal- fal xumo ayaa billaabatay oo waxaa goob jog loo noqday in doorashadii 1969 ay u tartameen 72 xisbi siyaasadeed, meeshii ahayd maxaad taqaana waxaa la doortay yaa taqaan taas oo soo dedejisay dib u dhac weynna ku keentay jiritaanka qaran nimo ee Soomaaliya ka gadaal marki degmada Laascaanood askarigii ilaalada u ahaa uu ku toogtay Allaah ha naxariistee wasiirkii koowaad Marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke, geerida marxuumka waxay sabab u noqotay in ciidamo uu hoggaaminaayo Allaah ha u naxariistee General Siyaad Barre ay si dhib yar kula wareegaan talada waddanka,af-gembi ciidan markii la arko dad weynaha waxa ku dhalato ididiillo ah in loo gudbay sahan fiican iyoisbeddel nololeed oo ka wanaagsan kii hore, balse rajadii kacaanka laga qabay waxay ku soo aruurtay hal heyskii caanka aha ee reer Banaadiriga (JUG-JUG MEESHAADA JOOG ), xubnihii sida wadajirka ku dhaliyay kacaanka ayaa inta uusan waagiiba u beryin waxay iskula dhaqaaqeen in qaar laga taqalluso: Jeneral SALAAD GABEYREKEDIYE, Jeneral MAXAMED CEYNANSHE GUULEED iyo Korneel CABDULQAADIR DHEELCABDULLAAHI dhammantood Allaah ha u naxariisto,sidaas ayaa dadaalkii kacaankaku shiiqay waxa uu na ku dambeeyay(HAL BACAD LAGU LISAY), maalintaas waxi ka dambeyay ummadda waxay isu abaabushay la dirirka kacaanka,waxaa dhashay jabhado sida SNM, USC,SPM,SSDF oo loo yaqaan SOODAF, SDM, SANU iyo qaar kale oo badan,jabhadaas waxay soo kordhiyeen oo kaliya jahawareer,fowdo joogto noqotay,kala dambeyn la’aan, dagaal qabiil oo faraha looga gubta,barakac baahsan,dil,isbaaro, handadaad, bahdil,kufsi iyo wax ka siiba xun.
Dhowr jeer ayaa la isku dayay In laga caawiyo soomalida sidii ay dowlad ku dhisan lahaayeen, iskuday kasto koox ayaa ka soo hor jeeday ayagoo had iyo jeer mar-marsiyo ka dhiganaayo eraygii canka noqday oo ahaa ( LOOMA DHAMO ).
Ugu dambeyn haatan waddanka waxaa ka jirto dowlad hor wadeen ka yahay wadaadka kunyar socodka ah,hal-qabsi wanaagsanna ka dhigtay(LABO DHIBAATO MIDDA YAR HALA DOORTO) balse sidii hore oo soomaalida lagu yaqiin ayaa dowladdii inta ayan cagaheeda yar ku istaagin lagala hor yimid dirir naxariis laawa ah ay hoggaaminayaan dagaalyahanno shisheeye oo waddamadooda dhagar qabayaal ka ah una yimid Soomaaliya meel ay gabbaad ka dhigtaan ayagoo dad wax magarata ah uu adeegsanaayo si ugu fuliyaan is miidaamin lagu laayo masaakiin waxba galab sanin oo masjig iyo melkaleba ku badbaadi waayay.
Sahan xumo iyo rajo la’aan ayaa Soomaalida la degtay sidaas ayeey dhabtii waxay ku sifoween (ISUMA TALISO OO LOO TALIN KARIN).